Weeraryahankii hore ee xulka England, Gary Lineker, ayaa Cristiano Ronaldo ku magacaabay ciyaaryahanka ugu fiican ee abid ka ciyaara Premier League.
Lineker ayaa aaminsan in xiddigii hore ee Manchester United, Real Madrid, iyo Juventus uu ka fiicnaa xiddigo kale oo waaweyn sida Steven Gerrard, Paul Scholes, Frank Lampard, Roy Keane, iyo Patrick Vieira kuwaa oo kasoo ciyaaray horyaalka Ingiriiska.
Ronaldo wuxuu markii ugu horreysay ku sugnaa horyaalka xilligiisii ugu wanaagsanaa, intii u dhaxaysay 2003 iyo 2009, markaas oo uu hoos imaanayay tababaraha caanka ah Sir Alex Ferguson, isagoo u ciyaaraya Manchester United.
Xiddiga reer Portugal ayaa mar kale kusoo laabtay kooxda sanadkii 2021, ka hor inta uusan ka tegin kahor Koobkii Adduunka ee 2022.
Ronaldo wuxuu Manchester United u saftay 236 kulan oo Premier League ah, isagoo dhaliyay 103 gool halka uusameeyay 39 caawin.