Gareth Southgate ayaa loogu baaqay in uu isbadal aan horay loo arag ku sameeyo qaab ciyaareedkiisa taatikada kulanka adag ee Switzerland.
Saddexda libaax ayaa u muuqday kuwo ku dadaalay tartanka ilaa iyo heerkan, iyagoo badiyay hal kulan oo ka mid ah kulamadoodii furitaanka group-yada, islamarkaana ay ka soo gudbeen Slovakia wareega 16-ka.
Southgate waxa uu sameeyay khaladaad dhawr ah guushii ugu dambaysay iyagoo ku badiyay si dhib badan.
Jude Bellingham ayaa badbaadiyay Ingiriiska mooye gacanta Slovakia ayee ku hari gaadheen.
Tababarihii hore ee Germany Jurgen Klinsmann ayaa haatan ku booriyay tababaraha England inuu si geesinimo leh u bedelo nidaamkiisa oo uu ka dhigo hab ku dhisan 4-4-2 uuna kusoo bilaabo Ivan Toney.
Southgate maha mid badana dhageysta soo jeedinada laakiin Klinsmann ayaa ku adkaystay inay qasab tahay inuu maqli soo jeedintiisa.
Klinsmann ayaa sidoo kale aaminsan in la joogo waqtiga saxda ah ee Southgate uu isbedel weyn ku sameeyn laha Nidaamka shaxdiisa ka dib bandhigyo xun oo isdaba joog ah oo kusoo bandhigay Euro 2024.
Klinsmann ayaa ku andacoonaya in tababaraha Saddexda libaax ay tahay inuu ku laabto qaab ciyaareedkii hore ee ahaa habka caadiga ah ee kubada cagta.
Tababarihii hore ee Bayern Munich ayaa sheegay.
Hadii Southgate uu qaato taladiisa oo uu shaxdiisa si buuxda u badalo, inay guulo muhiima ay gaari doonan.
Shaxdan uusoo jeediyay Klinsmann waxay qarka ka tuuri doonta xiddigo badan sida Phil Foden iyo Kobbie Mainoo
Da’yarka Manchester United Kobbie Mainoo ayay u badan tahay inuu waayi doono booska koowaad, maadaama Declan Rice iyo Jude Bellingham ay yihiin aas aaska dhexda.
Difaaca ayaa sii ahaan kara sidii hore, marka laga reebo in bedel lagu sameeyo booska Guehi oo ganaaxan.