Tababaraha England Gareth Southgate ayaa halis ugu jira inuu qoro cutub aan loo baahnayn oo taariikh xun ah, isagoo finalka Euro 2024 garoonla Olympiastadion ku wajahaya Spain.
Sida ay xaaladdu ahayd saddex sano ka hor oo kale, England ayaa hadda 90 daqiiqo u jirta inay soo afjaraan inkaarta 58 sano ah oo ka heysata koobabka.
Xulka Spain iyo Luis de la Fuente ayaa haatan ah caqabada kaliya ee hortaagan inay ku guulaystaan koobkii ugu horeeyay abid ee Qaramada yurub ee ay ku guulaystaan xulka England ee ragga ah.
Ku dhawaad labo sano ayaa laga joogaa markii xulka haweenka England ay ka adkaadeen Jarmalka si loogu caleemo saaro boqorada Yurub, halka wiilasha 21 jirada ay si ku haboon uga adkaadeen Spain finalkii koobkii Yurub ee sanadkii hore.
Kahor guulaha ay gaareen xulka haweenka iyo da’yarada, Ragga Southgate waxay ku niyad jabeen gurigooda Wembley 2021kii, halkaas oo rigooreyaal Talyaaniga kaga qaaday Euro.
Saddex sano oo isku xigta, Southgate ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee England ah taariikhda ku hogaamiya in ka badan hal final oo tartan ah, iyaga oo isku diyaarinaya in ay iska hor yimaadaan Spain kulanka Berlin.
Si kastaba ha ahaatee, haddii England ay kusoo baxdo kaalinta labaad mar kale, tababarihii hore ee Middlesbrough ayaa noqon doona tababarihii abid ugu horeeyay ee ku guuldarraystay koobab badan oo Yurub ah.
Southgate waxa uu aad u garanayaa qalbi jabka Euro ee waayihiisii ciyaaraha, isagoo si xasuus leh u lumiyay rigooradii muhiimka ahayd ee England semi-finalkii Euro 1996kii ee Germany, taasoo timid ka dib guul ay rubuc-dhamaadka ka gaadheen Spain.
53 jirkaan caawa ma is badbaadin doona oo ma iska reebi doona taariikhaha xun.