Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay Barcelona si ay ugala hadasho u dhaqaaqista weeraryahanka reer Brazil Raphinha inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Hadda waxaa jira hadalo badan oo la isla dhexmarayo oo ku xeeran mustaqbalka 27 jirkaan inkastoo xaqiiqda ah inuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wax soo saarka badan kooxda Catalan intii lagu jiray ololihii 2023-24.
Raphinha ayaa dhaliyay 10 gool waxaana loo diiwangeliyay 13 caawin 37 kulan oo uu u saftay Barcelona xilli ciyaareedkii hore, oo ay ku jiraan lix gool iyo sagaal caawin 28 kulan oo uu saftay horyaalka Spain.
Laacibka reer Brazil ayaa seddex sano oo kale uga hartay qandaraaskiisa Camp Nou, laakin waxaa laga yaabaa inuu xagaagan ka tago si uu boos joogta ah u helo.
Barcelona ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inay la soo wareegto xiddiga Spain Williams, tagista Raphinha waxay ka dhigeysaa kooxda Hansi Flick boos aad u xoogan marka loo eego dhanka dhaqaalaha.
Waxaa jiray hadal heyn ku saabsan xiisaha Sacuudiga ee Raphinha, laakiin waxaa la rumeysan yahay in u dhaqaaqista Boqortooyada Sacuudi Carabiya aysan soo jiidaneynin weeraryahanka marxaladdan xirfadiisa ciyaareed.
Kooxaha Premier League ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa adeegiisa, iyadoo Tottenham Hotspur la sheegay inay dooneyso weeraryahankii hore ee Leeds United.
Newcastle ayaa u aqoonsatay Raphinha saxiix macquul ah, iyadoo Magpies ay si cad u sheegtay inay xiiseyneyso xiddiga South America.
Raphinha ayaa hore Leeds ugu soo ciyaaray Premier League intii u dhaxaysay 2020 iyo 2022, isagoo u dhaliyay 17 gool, waxaana uu diiwangeliyay 12 caawin 67 kulan oo uu u saftay kooxda ku ciyaarta Elland Road.