Ka dib muddo bil ah oo tartan qaaradeed ka socday cidhifka Jarmalka ilaa cidhifka kale.
Euro 2024 ayaa lagu wadaa in lagu soo gebagebeeyo caawa Magaalada Berlin weliba garoonka Olympiastadion, halkaas oo ay ku hardami doonaan Spain iyo England.
Wadooyinka ay labadan xul soo mareen ayaa ah kuwo aad u kala duwan.
Spain waxa ay ahayd laxanka tartanka, waxay ahayd miisaanka kaliya ee cuslaa ee si joogto ah u soo bandhiga qaab ciyaareed soo jiidasho leh.
Dhanka kale England ayaa inta badan u ekaa kuwa liitay, laakin qeybihii damabe ee tartanka ayee soo saareen natiijooyinkii loo baahnaa si ay u gaadhaan finalka koobka qaramada Yurub ee labaad oo xidhiidh ah.
England ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu wacnaa ee tartanka iyagoo masaafo yar ugu soo baxay semi-finalkii.
Waxaa soo jiidasho leh goolasha natiijada leh ay la yimaadeen England.
Jude Bellingham ayaa daqiiqadii 95-aad barbareeyay Slovakia, rigoorayaal ayay kaga badiyeen Switzerland iyo Ollie Watkins oo daqiiqadii 90-aad ee goolka guusha ka dhaliyay Netherlands, taasoo abuurtay dareen ah in England ay si uun u qaadi karto koobkoodii ugu horeeyay muddo 58 sano ah.
Waxaa Spain Cabsi ku abuuri kara is fahamka ka dhaxeeya Kobbie Mainoo, Phil Foden iyo Bukayo Saka.
Dhinaca kale Ma jirto cid ku doodi karta in Spain ay ahayd kooxdii ugu fiicnayd Euro 2024.
Waxa ay badiyeen dhamaan lixdii kulan ee ay ciyaareen,waxana ay horay u garaaceen Germany oo marti galineysa iyo xulkii ugu cadcada tartanka ee France wareegii 16ka.
Spain waxay dhaliyeengoolasha ugu badan ee tartanka waana 13 gool, iyaga oo abuuray fursadaha ugu badan oo ah 96 fursadood.
Waxaa la arki doona caawa xulka ay guusha raaci doonto England mise Spain.