Xulka difaacanaya Copa America ee Argentina ayaa caawa xilli dambe la ciyaari doonta Colombia finalka Copa America 2024 kulan ka dhici doona garoonka Hard Rock Stadium.
Xulkan 2021kii ku guuleystay Copa America ayaa tagtay finalka markii afaraad tan iyo 2015kii.
Waa finalkii seddexaad ay ciyaaraan Colombia, kuwaas oo qaaday koobka 2001-dii.
Argentina ayaa iska xaadirisay finalka kadib markii ay 2-0 ku garaacday Canada ciyaartii semi-finalka.
Lionel Messi ayaa ugu danbayn furay akoonkiisa gool dhalinta halka Julián Álvarez uu isna shabaqa soo taabtay wuxuuna laba gool ka dhaliyay tartanka.
Colombia ayaa dhankeeda ka soo gudubtay Uruguay iyada oo daqiiqadii 39 aad Jefferson Lerma uu u dhaliyay goolka guusha siisay xulkiisa.
James Rodríguez ayaa caawiye ka ahaa goolkaas, taas ayaana ka dhigtay inuu tartankan ka sameeyay 6 caawin.
Argentina ayaa heysata rikoorka daafaca ugu fiican tartanka, waxaana shantii kulan ee ay ciyaareen laga dhaliyay 1 gool.
Dhanka kale xulka Colombia ayaa ku faanaya rikoorka weerarka ugu fiican iyaga oo dhaliyay 12 gool.
Markaa, tartankani waa inuu sameeyaa daawasho xiiso leh.
- Labada xul ayaa kulmay 42 jeer tartamada oo dhan.
- Xulka heysata horyaalka ayaa ah kuwa ugu awooda badan kulamadaan iyagoo badiyay 25 jeer.
- Colombia ayaa badisay 9-kulan halka sideed kulan ay ku dhamaatay bar baro.
- Labadan xul ayaa 15 jeer ku kulmay Copa America waxaana gacanta sare leh Argentina, kulamadan sidoo kale waxay badiyeen 10 jeer.
- Colombia badisay seddex kulan, labo kulanna waxay ku dhamaadeen barbaro.
- Waxa ay ku kulmeen semi-finalka Copa America 2021, oo Argentina ay 3-2 ku badisay rigoorayaal iyagoo barbaro 1-1 ah ku kala baxay waqtigii loogu talagalay.
- Colombia ayaa kaliya hal guul ka gaartay 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday xulka heysata horyaalka 2021, iyadoo guushaas ay timid wareega group-yada ee Copa America 2019.
Yaa Ku Guuleysan Doono Copa America l.
argentina
Argentina 2 – 0 Colombia