Wakiilka xiddiga Red Star Andrija Maksimovic, ayaa xaqiijiyay xiisaha Liverpool ay u qabtay saxiixa xiddigaan.
17-sano jirkaan ayaa ku soo baxay mid ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn kubada cagta Yurub xilli ciyaareedkan.
Maksimovic waxa uu ka ciyaaray heerka ugu sareeya kooxdiisa, isagoo noqday ciyaaryahan sameyn badan ku lahaa tartanka Champions League.
Soo shaac bixidiisa ayaa si aan caadi aheyn u soo jiitay indhaha kooxaha Yurub, kooxo badan ayaa lala xiriiriyay ‘Messi Serbia’ bilihii u dambeeyay.
Kooxaha Bundesliga, LaLiga iyo Premier League ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan Maksimovic intii uu furnaa suuqa yurub.
Magacyada kooxaha la xusi karo ee isku dayay saxiixa wiilkaan waxaa kujira Liverpool iyo Aston Villa oo si isdaba jooga ah ula xiriirayay kooxdiisa.
Wakiilka xiddigaan oo lagu magcaabo Zoran Stojadinovic, ayaa haatan xaqiijiyay xiisaha Liverpool, isagoo yiri dhowr jeer ayay isku dayeen in ay la heshiiyaan xiddiga, balse uma suurta galin.