Kyle Walker ayaa lagu arkay isaga oo ka baxaya kalaab/baar oo sita laba dumar ah maalintii ku xigtay markii xaaskiisa Annie Kilner ay ku laabatay UK iyada oo kaxeysatay afartii carruur ay isku dhaleen.
Ciyaariyahanka heerka caalami ee England Walker ayaa ku dadaalaya inuu badbaadiyo guurka wakhtiga dheer ee Kilner, laakiin sidoo kale wuxuu ku sii nagaanayaa Talyaaniga keligiis waqtiyo dheer. Qoyskiisa waxay ku soo noqdeen Great Britain kadib markii lagu arkay iyaga oo wax ka iibsanaya Milan. Walker ayaa bilaabay inuu magaalada ku raaxaysto iyaga oo aan joogin.
Wargeyska The Sun ayaa sheegay in daafaca 34-jirka ah, ee amaahda ku jooga San Siro uu “si xad dhaaf ah ula tuntay laba dumar” oo aan la garanayn kadib markii uu booqday baar.
Waxaa la sheegay inuu guriga ku laabtay waaberigii kadib markii uu qarash gareeyay qiyaastii £5,300 oo ah “Super VIP extravagance” oo uu ku bixiyay Tocqueville 13 lounge oo ay xiddiguhu ku badnaayeen.
Xoghaya Walker ayaa la sheegay inuu ku bixisay “£2,474 miiska ugu fiican ee bartamaha baarka, £1,200 oo ah magnum Dom Perignon champagne ah iyo £1,600 oo ah dhalo qamri 1.75-litre ah oo Clase Azul Reposado tequila ah”.
Xiddiga kooxda Rossoneri ayaa la sheegay in lagu arkay isaga oo la jaasaya mid ka mid ah dumarka kadib markii uu ka baxay baarka isaga oo wata gaari BMW iX7. Dhammaan arrimahan waxay dhaceen kadib markii uu horay muran uga dhashay labo carruur ah oo uu ka dhalay haweeney lagu magacaabo Lauryn Goodman.
Ilo wareed uu shaaciyay wargeyska The Sun ayaa sheegaya: “Kyle wuxuu hubiyay inuu helo mid ka mid ah miisaska ugu fiican isaga iyo gabdhaha. Wax lacag ah ma uusan bakhaylin. Isaga si degan ayuu isaga ilaaliyay dhinaca qoob-ka-ciyaarka — laakiin wuxuu u muuqday mid si weyn ugu raaxaystay. Dumarku waxay ahaayeen kuwo ku raaxaysanaya joogitaanka Kyle, iyaga oo si dhow ugu dhagan dhiniciisa.
“Waxay u muuqdeen inay waqti fiican wada qaateen, way qoslayeen oo way kaftamayeen intii ay ku sugnaayeen baarka. Hal mar gabadh ayaa timaha dheer ee buniga ah dib u rogrogatay markaas ayuu Kyle u dhaqaaqay si uu u taabto. Kadib wuxuu gacanta la aaday dhexda gabadha. Wuxuu u muuqday sidii bisad hilib heshay.
“Kyle si cad ayuu ugu raaxaysanayay waqtiga, laakiin xaalad kasta ha noqotee, muuqaalkani ma wanaagsanaan doono marka Annie ay dhowaan guriga ku soo laabato.”