FA-ga ayaa isku dayi doona in ay Gareth Southgate ku qanciyaan in uu sii ahaado tababaraha xulka qaranka England xitaa hadii uu ku guul daraysto in uu hanto koobka Euro 2024.
Haddii England ay garaacdo kooxda Luis de la Fuente ee Berlin, waxay xaqiijisan doonaan horyaalkoodii ugu horreeyay ee weyn muddo 58 sano ah.
Laakiin xitaa haddii aysan sidaas yeelin, Southgate waxa uu sii haysan karaa shaqadiisa maamule.
FA-ga ayaa taageraya Southgate isagoon loo eegin natiijada.
Qandaraaska Southgate ee hadda wuxuu dhacayaa December, laakiin madaxa fulinta FA-ga Mark Bullingham ayaa qorsheynaya inuu wadahadalo cusub la yeesho dhamaadka Euro 2024.
Heshiis lala gaaro Southgate waxay ka dhignaan doontaa inuu maamuli doono xulka ilaa iyo Koobka Adduunka 2026 ee ka dhacaya Mareykanka, Canada iyo Mexico – kaasoo u dhiganta inuu sannadkii 10aad uu England hogaaminaya.
Horay waxaa lagu waday in Southgate, oo 101 kulan hogaamiyay England uu xilka ka tago ka dib tartanka xagaagan.
53-jirka laftiisa ayaa sidoo kale ku adkeystay inuusan dooneyn inuu sii joogo
Waa markii labaad oo isku xigta oo England ay gaarto finalka Koobka Qaramada Yurub.
Saddexda libaax ayaa finalka Euro 2020 ku wajahay Italy saddex sano ka hor, balse rigoorayaal ayaa looga badiyay.