Kooxda kubadda cagta Everton ayaa halis ugu jirta in ay la wareegto dawladdu, isla markaana loo dhaadhiciyo heerka labaad kaddib markii shirkadda 777 Partners ay xaqiijisay in aanay iibsanayn oo uu burburay qorshihii iibka ee u dhexeeyey.
Shirkadda 777 Partners ayaa hore waxa ay heshiis ula gaadhay Farhad Moshiri oo ay £500 milyan oo Gini kaga iibsanayso kooxda Everton ee uu mulkiilaha ka yahay, waxaanu qorshuhu ahaa in sidoo kale ay £200 milyan oo Gini ku maalgeiso kooxda.
Heshiiskan buray ayaa waxa uu hadda qasab kaga dhigayaa Farhad Moshiri in uu si degdeg ah u helo cid ka iibsata kooxda, haddii kale waxa ay si toos ah gacanta ugu geli doontaa dawladda oo maamuli doonta, kaddibna waxa loo dhaadhicin doonaa heerka labaad.
Maamulka Premier League ayaa xaqiijiyey, in markii ay hubiyeen heshiiska iibka ee shirkadda 777 Partners iyo Farhad Moshiri, waxa ay xaqiijiyeen in shirkaddani aanay waqtigan buuxinin shuruudihii looga baahnaa ee dhinaca maaliyadda, sidaas daraadeedna loo laalay heshiiska.
War-saxaafadeed ay Everton soo saartay ayaa sidoo kale lagu sheegay in waqtigii iibka kooxda ee shirkadda 777 Partners uu maanta meesha ka baxay oo naadiga aanay iibsanayn shirkadda reer Miami.