Manchester United ayaa wali ugaarsi ugu jirta xiddiga Everton Jarrad Branthwaite inkasta oo laga soo diiday laba dalab oo ay ku doonaysay adeegiisa.
Difaaca ayaan u saxiixi doonin wax heshiis ah kooxda Manchester United, marka la eego sida ay wax u socdaan.
Waxaad mooda in labada dhinac Man United iyo Everton ay kala fogaanayaan markaan ka dib markii Everton ay muujisay mowqifkeeda.
Branthwaite wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan Everton xilli ciyaareedkiisii wacnaa ee Goodison Park, isagoo seddex gool u dhaliyay Toffees.
Dhanka daafaca marka la eego aad ayuu uga soo dhalaalay iyadoo kooxda Everton ay ku dhameysatay kaalinta 15aad inkastoo siddeed dhibcood laga jaray kadib markii ay jabiyeen xeerarka FFP.
Taas ayaa keentay in United ay diiwaan galiyaan xiisahooda mu aadan adeegiisa laakin heshiisku waxa uu noqon karaa mid adag in la sameeyo.
Everton wax niyad ah uma heeyso in ay United kala xaajooto da’yarkan.
Xaalada ayaa sii cakirantay markii Amadou Onana uu ku dhow yahay inuu u dhaqaaqo Aston Villa, taasoo sii xoojisay xaalada dhaqaale ee kooxda Merseyside.
Bishii June United ayaa dalab ku dhow 35 milyan oo ginni ku dalbatay daafaca, taasoo ay diidday Everton, isbuucyo ka hor ayee sidoo kale dalab 50 milyan oo ginni ah ka gudbiyeen 22 jirkaan, sidoo kale waa laga soo diiday.
United ayaa ku sii dhowaaneysa inay 70 milyan oo ginni ay bixiso oo lagu qiimeeyay in lagu heli karo Branthwaite.