Erik ten Hag ayaa iska fogeeyay dhaleeceynta Cristiano Ronaldo ee ah inuusan hami ka qabin shaqada Manchester United.
Xiddigii hore ee United ayaa dib u soo celiyay dagaalkii uu kula jiray Ten Hag isagoo leh ma jiro tababare United ah oo qiray in kooxdiisu aysan ku guuleysan karin Premier League ama Champions League.
Laakiin Ten Hag ayaa sheegay in Ronaldo uusan wax shaqo ah ku lahayn xaaladaha Old Trafford balse ay tahay inuu ka hadlo kooxdiisa Al-Nassr ee Saudi Arabia.
“Wuxuu ku sugan yahay Sacuudiga, oo shaqo maba kulaha Manchester, marka qof walba ra’yi ayuu yeelan karaa, wuxuuna xaq u leeyahay inuu ra’yi ka dhiibto, waa caadi.” ayuu yidhi Ten Hag.
United ayaa si adag ku bilaabatay xilli ciyaareedkan, waxaana laga badiyay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu horeysay ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta sideedaad xilli ciyaareedkii hore.
Laakiin Ten Hag ayaa aaminsan inay jiraan dhowr arrimood oo uu diiday inuu argagaxo horaantii xilli ciyaareedka.
“Waxaan arki doonaa meesha aan joogno May sanadka soo socda,” ayuu raaciyay.
“Waa horaantii xilli ciyaareedka, waxayna ku saabsan tahay ku guuleysiga koobab, inaad sare u kacdo inta suurtogalka ah ee horyaalka, wax walba oo aad u sameyso inaad guuleysato kulan kasta.
‘Wax saamayn ah iguma yeelanayso, waan ogahay habka aan joogno iyo waxa aan samayno.
Waxaan horay u sheegay inaan weli ku jirno xilli kala guur ah.
Wali waa inaan la tacaalnaa dhaawacyada oo aan ciyaartoyda kusoo celinaa kooxda.
Tababaraha ayaa horay u difaacay rikoorka koobabka uu ku qaaday Manchester, laakiin weeraryahanka Portugal ayaa tilmaamay in macno aysan sameeynin inaad Carabao Cup ku guuleysato, balse la doonayo inaad qaado horyaalka , Europe League ama Champions League.