Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa magacaabay saddex ciyaaryahan oo xal u noqon kara booska Uu ka baxay Mykhailo Mudryk, kaas oo wajahaya ganaax.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga mudada uu Mudryk ganaax naan doono, balse xaaladda xiddiga Ukraine ee garabka bidix ayaa u muuqata mid aan fiicnayn, maadaama uu ku guuldareystay tijaabada daroogada, isagoo lagu helay isticmaalka maado la mamnuucay. Waxaan weli sugeynaa go’aanka laga soo saaro arrintan lagu heysto xiddiga, inkastoo ay u muuqato inuu wajihi doono ganaax culus.
Chelsea waxay haystaan Pedro Neto iyo Jadon Sancho oo ciyaari kara garabka bidix, laakiin Maresca ayaa magacaabay ciyaaryahan kale oo ka taageeri kara booskaas iyada oo Mudryk iyo labadaas ciyaaryahan ay ku jiraan xaalad adag.
Maresca ayaa magacaabay Tyrique George iyo Nkunku oo ka ciyaari kara gudaha garabka bidix, iyadoo Cucurella uu geyn karo booskaas sare. Tani waxay noqoneysaa xal marka la eego in Joao Felix uu ka tagay kooxda, halka Mudryk-na aanan la heli karin.
“Qaab dhismeedka ciyaaraha ee kooxda hadda wuxuu leeyahay dhibaatooyin badan. Waa ganacsi xun guud ahaan, waxaad iibsatay ciyaartoy oo isla markiiba waxaad ku dhiibtay amaah,” ayuu yiri soo-jeediyaha Nick Verlaney.
“Waxaad dib u keentay ciyaartoy oo ahayd in ay kooxda la joogaan wakhti badan. Waxay u muuqataa in ay jiraan khaladaad badan oo maamulka ah. Haddii aad i waydiiso hadda haddii Chelsea ay haysato koox fiican qeybta labaad ee xilli ciyaareedka marka loo eego qeybtii hore – jawaabtu waxay noqonaysaa si cad: ‘maya’.”