Goolhayaha Manchester City Ederson ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis shaqsi ah la gaaray mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Saudi Arabia ka dib markii loo soo bandhigay soo jeedin cajiib ah oo labo sano ah.
30-jirka reer Brazil, kaasoo City kaga soo biiray Benfica 2017 adduun dhan 35 milyan oo ginni, ayaa in ka badan 300 kulan u saftay kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League.
Waqtigaas, wuxuu kor u qaaday lix horyaal, laba koob oo FA Cup ah iyo Champions League oo uu hoggaaminayay Pep Guardiola, kaasoo Ederson uu dhawaan ku tilmaamay inuu yahay tabobarihii abid ugu weynaa kubadda cagta.
Pep wuxuu la mid yahay GPS-ka,” ayuu yiri. “Waxaad gelinaysa ciwaanka, wuxuuna ku siinayaa beddelka iyo midka ugu fiican ee anaga. Markaa kaliya raac, raac oo raac.
“Pep waa kan ugu fiican abid, waxaana u maleynayaa inuu ku nool yahay kubada cagta 24 saacadood maalintii, waa wax cajiib ah.”
Isagoo todobo xilli ciyaareed oo koobab ah ku qaatay Manchester, si kastaba ha ahaatee, waxay hadda u muuqataa in goolhayaha reer Brazil uu ka tagi karo England xagaagan.
Xaqiiqdii, Ederson wuxuu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Saudi Pro League ee Al Nassr, sida uu sheegay saxafiga Gianluigi Longari, kaasoo sheegay in wadahadaladu ay u furmi doonaan Manchester City.
Al Nassr ayaa haatan ugaarsi ugu jirta gool haye cusub ka dib markii goolhayaha dooqa koowaad ee David Ospina uu ka tagay kooxda fadhigeedu yahay Riyadh dhamaadka qandaraaskiisa.
Layaab malahan Alnasrr waxay diyaar u yihiin inay daadiyaan lacagta caddaanka ah si ay isku xoojiyaan.
Al Nassr ayaa Ederson u bandhigtay mushaar dhan €60 milyan iyo laba sano oo heshiis ah taasoo u dhiganta in ku dhawaad £490,000 todobaadkii jeebka ku ridan doona.
Al Nassr ayaa ka mid ahayd kooxihii ugu mashquulka badnaa suuqii xagaagii hore iyaga oo la wareegay Otavio, Sadio Mane, Aymeric Laporte, Seko Fofana, Marcelo Brozovic iyo Alex Telles.
Si kastaba ha ahaatee, Mane, ayaa laga yaabaa inuu ka tago xagaagan.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Al Nsssr ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaanaya weeraryahankii hore ee Liverpool iyo Bayern Munich