Tababaraha xulka qaranka France Didier Deschamps ayaa sheegay in aan la joogin waqtigii laga hadli lahaa mustaqbalkiisa xulka qaranka markii su’aalo la weeydiiyay ka dib semi-finalkii Euro 2024 oo ay la ciyaareen Spain.
Randal Kolo Muani ayaa daqiiqadii 9-aad hogaanka u dhiibay France, laakiin Spain ayaa awooday in ay la timaado labo gool oo daran doori ah oo ay kala dhaliyeen Lamine Yamal iyo Dani Olmo.
Spain ayaa u soo gudubtay finalka, halkaasoo ay isku arki doonaan midkood England ama Netherlands, laakiin France ayaa haatan ciyaaray kulankoodii ugu dambeeyay ee Koobka Qaramada Yurub xagaagan.
Deschamps ayaa qandaraas kula jira France ilaa July 2026, laakiin waxaa jiray warar sheegaya in 55 jirkaan uu ka tagayo doorkiisa qaranka ka dib guuldaradii semi-finalka.
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ayaa diiday inuu ka hadlo suurtogalnimada ah inuu ka tagayo shaqada France, wuxuuna ku adkeystay inaysan ahayn waqtigii saxda ahaa ee laga hadli lahaa mustaqbalkiisa.
Hadda waxaan ku guuldarreystay semi-finalka,” Deschamps ayaa ku jawaabay markii la weydiiyay inuu sii ahaan doono hoggaanka qaranka iyo in kale. “Waad garanaysaa sida uu u fekerayo madaxweynahaygu. Waxaa laga yaabaa inaadan xitaa weydiin su’aashan.”
Deschamps ayaa qirtay in Spain ay ciyaarta si fiican u maamushay, waxaana tababaraha France uu ka xumaaday fursadihii ay khasaariyeen xulkiisa qeybihii dambe ee ciyaarta.
“Waxaan awoodnay inaan furno gool dhalinta, taasoo aheyd mid aad u wanaagsan,
Spain si fiican ayay nooga qabsadeen ciyaarta, si kastaba ha ahaatee, ma aanan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican, uma aanan ciyaarin si toos ah sidii aan doonayay, “ayuu yiri tababaraha xulka qaranka France.
Si kastaba ha ahaatee, Deschamps ayaa si maldahan u sheegay inuu sii ahaan doono macalinka xulka France, isagoo mudada dheer soo maamulayay xulkan.
Deschamps ayaa macalin u ahaa France tan iyo 2012-kii, isagoo xulka qaranka ku hogaamiyay ku guuleysiga koobka aduunka 2018 ka hor inta uusan gaarin finalka tartanka 2022, waxaana rigoorayaal uga badiyay Argentina.
France ayaa sidoo kale ku guuleysatay UEFA Nations League intii uu hogaaminayay Deschamps, marka laga soo tago finalka Euro 2016, laakiin waxa ay ku hareen wareega 16ka ee Euro 2020.