Xiddigii hore ee Manchester United, Paul Pogba, ayaa baraha bulshada ku wadaagay war cusub xilli uu isku diyaarinayo inuu dib ugu soo laabto kubadda cagta kaddib ganaaxii 18-ka bilood ee la xiriiray kiiska daroogada.
Xiddiga reer France ayaa haatan si cad u muujiyay inuu diyaar u yahay talaabada xigta ee xirfaddiisa, isagoo bixiyay tilmaamihii ugu weynaa ee mustaqbalkiisa.
Pogba ayaa Sabtidii, 15-kii February, bartiisa Instagram soo dhigay sawirro muujinaya isaga oo tababar ku sameynaya xarun jimicsi, wuxuuna ku qoray farriin kooban oo ah: “Waan soo laabanayaa.”
Wargeyska the sun ayaa horey u shaaciyay in Pogba uu qorsheynayo inuu ku biiro kooxda Westham.