Joao Felix ayaan wax door ah ku laheyn kulanka ay Chelsea la ciyaari doonto Manchester City caawa Premier League.
Felix ayaa la sheegay in shan saacadood ka hor ciyaarta Manchester uusan la safrin kooxda. Waxa ay dhalisay taas warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalkiisa Stamford Bridge.
Wariye Matt Law ayaa soo bandhigay sababta uu Felix u maqan yahay kulanka caawa kooxdiisu wajaheyso Manchetser City.
Laacibka kooxda waxaa laga siiyay fasax kadib markii ay soo gaartay dhibaato qoys ah, wuxuuna u duulay dalkiisa Portugal” sida wariyuhu shaaciyay.
Felix waxa uu Chelsea ugu biiray heshiis joogto ah xagaagii hore, ka dib amaah uu ku qaatay qeybtii dambe ee xili ciyaareedkii 2022-23.
Laakiin waxa uu ku soo bilowday kaliya seddex kulan oo Premier League ah, taasoo keentay shaki ah in 25-sano jirkaan uu soo idlaaday mustaqbalkiisa Blues.