Daafaca kooxda Liverpool Ibrahima Konate ayaa la xaqiijiyay inuu wajahay dhaawac jilibka ah oo uu ku seegi doono kulanka adag ee isbuucaan Premier League kooxdiisa ku wajaheyso Man City.
Konate ayay isku dhaceen gooldhaliyaha kooxda Real Madrid ee Endrick ciyaartii ugu dambaysay ee ay Reds 2-0 ku badisay Champions League garoonka Anfield.
Konate ayaa maray baaritaanno lagu ogaanayo inta uu le’eg yahay dhaawaciisa, iyadoo macalinka Liverpool Arne Slot uu qirtay in dhaawaciisa uusan wanaagsaneyn.
Daafaca dhexe ee Liverpool ayaana haatan qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku muujiyay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo aad u badan, oo ka bilaabaneysa kulanka Axada Premier League kooxdiisa ay wajaheyso kooxda heysata horyaalka ee Manchester City.
Konate ayaa yiri: “Aad ayaan uga niyad jabsanahay dhaawacan isoo gaaray dhamaadka ciyaartii weyneyd ee Real Madrid.
“Hadda waxaan bilaabay habka ugu fudud ee soo kabashadayda, laakiin hal shay oo aan ballan qaadayo ayaa ah inaan soo laaban doono anigoo aad u xoogan “ayuu yiri Ibrahima Konate