Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa garoon ay albaabadu u xidhan yihiin saaka lagu guddoonsiiyey horyaalkeedii 36aad oo ay ku guuleysatay toddobaad ka hor, halkaas oo kaliya ciyaartoyda kooxda iyo maamulku ay ku sugnaayeen.
Nacho Fernandez oo ah kabtanka Real Madrid ayaa waxa koobka ku wareejiyey Pedro Rocha oo ah madaxweynaha cusub ee horyaalka LaLiga ee dhowaanta la doortay.
Ciyaartoyda Real Madrid oo kusoo labbistay suudh madow ayaa waxa ay saaka kusoo kallaheen garoonkooda tababarka ee Valdebebas, waxaana soo galay madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Spain iyo madaxweynaha horyaalka LaLiga oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale oo koobka guddoonsiiyey Real Madrid.
Los Blancos ayaan helin fursad ay kula dabbaal-degto taageereyaasheeda maadaama usbuucii hore ay dalbadeen in aan koobka horyaalka loogu keenin garoonka Santiago Bernabeu si aanu uga mashquulinin diyaar-garowga ciyaartii lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay Bayern Munich kaga adkaadeen.
Real Madrid oo ah kooxda ugu guulaha badan waddanka Spain ayaa waxa markii la guddoonsiiyey horyaalkeeda 36aad, waxa ay ciyaartoydu tageen madxafka kooxda oo ay ku saxeexeen diiwaanka oo ay magacyadoodu ku qoran yihiin.
Dabbaal-degyada ayaa maanta illaa caawa ka socon doona magaalada Madrid, balse waxa sidoo kale ay dabbaal-degyo dhici doonaan Salaasada oo garoonka Santiago Bernabeu ay Real Madrid ku martigelin doonto Deportivo Alaves.