Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Carney Chukwuemeka ayaa amaah ugu biiray Borussia Dortmund ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Da’yarka Blues ayaa soo gaba gabeeyay saxiixiisa oo mudada dheer la sugayay caawa.
Chukwuemeka ayaa banaanka ka joogay kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge, waxaana lala xiriirinayay inuu ka baxayo kooxda daaqada oo dhan.
21-sano jirkaan oo lala xiriirinayay kooxo badan ayaa haatan si rasmi ah ugu biiray kooxda Borussia Dortmund oo uu ku qaadan doono amaah nus xilli ciyaareed ah.
Dortmund ayaa xaqiijisay in heshiiska uu ku jiro ikhtiyaar iibsasho ah xagaaga. Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano waxay si joogta ah kula saxiixan karaan €48 milyan oo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa.