Kooxda kubadda cagta Manchester United ayay soo gaadhay jug weyn oo ku timid qorshaheedii xilli-ciyaareedka dambe iyo shaqsigii ay u doonayeen inuu hoggaamiyo kooxdaas, kaas oo hadda ay muuqato in aanu iman doonin Old Trafford.
Manchester United ayaa la filayaa inay samayn doonto isbeddello badan oo ku iman doona ciyaartoyda iyo tababaraaba, waxaana mar horeba la xaqiijiyey bixitaanka Raphael Varane iyo Anthony Martial, halka la sugayo go’aamada ay kooxdu ka gaadhayso Erik ten Hag iyo laacibiinta kale ee ay kooxdu u aragto in aanay la jaan-qaadi karaynin xilli-ciyaareedka dambe.
Red Devils ayaa si aad ah loola xidhiidhinayey tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel oo ay wararku sheegayaan in Sir Jim Ratcliffe ay wada-hadleen oo uu ku qanciyey inuu yimaaddo Manchester United opo uu u noqdo tababaraha cusub ee hoggaamin doona xilli-ciyaareedka dambe, isla markaana meesha ka saaraya Erik ten Hag.
Laakiin Tuchel ayaa waxa uu wada-hadallo la bilaabay kooxdiisa hadda ee Bayern Munich oo bishii February shaacisay inay shaqada ka eryayso marka uu dhamaado xilli-ciyaareedku, waxaana wararkii u dambeeyey ay sheegayaan in Tuchel uu ogolaaday inuu sii joogo Bayern Munich.
Wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Germany ayaa sheegay in Tuchel uu kaliya ka dalbaday maamulka Bayern Munich in ay siiyaan kalsooni buuxda oo uu u madax bannaanaado shaqooyinkiisa, sidoo kalena ay maamulka kooxdu joojiyaan hadalka badan ee warbaahinta ee ay ku durayaan isaga iyo bandhigga kooxda intaba.
Tuchel ayaa haddii uu sii joogo kooxdiisa waxa ay ka dhigan tahay in Manchester United uu ka burburay qorshahoodii xilli-ciyaareedka dambe ee tababaraha reer Germany, sidaas daraadeedna waxa ay ku qasbanaan doonaan inay sii haystaan Thomas Tuchel ama macallin kale ay raadsadaan.