Ciyaaryahanka xulka Spain ee khadka dhexe uga ciyaara ayaa soo gaaray dhaawac jilibka ah, kaasi oo uu ku qasbanaaday in ciyaarta laga saaro.
Rodri ayaa kubad qurux badan wuxuu u dhigay Pedri balse waxaa Taako Xun ku qabtay xiddiga dhexda uga ciyaara Germany ee Toni Kroos.
Ciyaarta ayaa in yar hakad la geliyay maadamo ciyaaryahanada Spain ay ku xoobmeen garsoorka, kaasi oo iska indha tiray taakada lagu qabtay Pedri.
Tabaraha Spain ayaa la arkaayay isagoo ka carooday dhacdadan, balse garsoorka ciyaarta ayaa ku adkeeystay inaysan ahayn mid Kaar jaalle ama casaan lagu qaadan karo .
Si kastaba Pedri waxaa lagu bedalay Dani Olmo , Pedri ayaana ka muuqatay qiiro.