Neymar Jr. ayaa daqiiqado yar uun markii uu garoonka kujiray laga saaray ciyaartii Al Hilal ee tartanka AFC Champions League la ciyaareen caawa kooxda Esteghlal.
Waa kulankiisii labaad tan iyo markii uu ka soo laabtay dhaawicii soo gaaray bilowgii sanadkaan.
Xiddiga reer Brazil oo dhawaan ka soo kabsaday dhaawacii hore ayaa badal ku soo galay daqiiqadii 57-aad ee kulanka, laakiin wax yar kadib waa la badalay taas oo walaac ku abuurtay kooxdiisa.
Dhacdadan ayaa dhacday markii Neymar uu lugtiisa midig dhib gaaray isagoo konratoolayay baas ka yimid saaxiibkiis Marcos Leonardo.
Isla markii Neymar ayaa lugta qabsaday wuxuuna codsaday in la badalo taasoo culeys badan ku ah Al Hilaal.
Al Hilaal wax war rasmi ah kama soo saarin dhaawaca cusub ee soo gaaray Neymar, inkastoo goor hore ay tahay oo aan la sameyn baaritaan.