Kooxda Manchester City ayaa ku dhow inay dhamaystirto saxiixa daafaca Abdukodir Khusanov, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in wada xaajoodka u dhexeeya Man City iyo Khusanov uu marayo meel gabogabo ah. Tababaraha kooxda, Pep Guardiola, ayaa si rasmi ah u ansixiyay in maamulka kooxda ay dhamaystiraan heshiiska ciyaaryahanka.
Abdukodir Khusanov ayaa hore u gaaray heshiis shaqsi ah oo uu ugu biirayo Manchester City, iyadoo la filayo in saxiixa laga dhigo mid rasmi ah maalmaha soo socda.
Xiddiga reer Uzbekistan ayaa ka go’an inuu si dhaqso leh ugu biiro kooxda horyaalka Premier League difaacaneysa, isagoo doonaya inuu ka hoos shaqeeyo Guardiola.
Waxaa la sugayaa warbixin rasmi ah oo ka soo baxda kooxda si loo xaqiijiyo heshiiskan muhiimka ah.