Ruben Amorim oo noqon kara tababaraha cusub ee Manchester United kadib markii ay kooxda ogolaatay inay bixiso 10 milyan oo euro oo lagu burburin karo heshiiska tababaraha uu kula jiro Sporting.
Ruben Amorim ayaa laga yaabaa inuu qabto shaqada Manchester United maalinta Axada, kadib markii kooxda ay go’aansatay inay bixiso lacagta 10-ka milyan ee euro ee lagu bur-burinayo heshiiskiisa.
39 jirkan ka soo jeeda Portugal iyo seddex ka mid ah shaqaalihiisa ayaa la filayaa inay u duulaan Manchester si ay wadahadalo ula yeeshaan kooxda, kaliya laba maalmood kadib markii ay kooxda ceyrisay Erik Ten Hag.
Tababarihii hore ee United, Jose Mourinho iyo tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa labaduba taageeray Amorim, inkastoo uu kaliya tababare yahay muddo shan sano ah.
Sporting CP ayaa shalay xaqiijisay in Manchester United ay si rasmi ah u muujisay xiisaha ay u qabto Amorim, isla markaana ay diyaar u yihiin inay bixiso lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa.