Weeraryahanka Bayern Munich Mathys Tel, ayaa qarka u saaran inuu amaah ugu biiro Tottenham Hotspur ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2024-25.
Xiddiga reer France ayaa si aad ah loola xiriirinayay kooxo badan oo Premier League ah xilli uu ka maqan yahay shaxda Bavari, waxana uu haatan heshiis la gaaray kooxda Spurs.
Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa markii hore gudbisay dalab 60 milyan oo euro, oo ay aqbashay Bayern, laakiin Tel ayaa diiday fursadaas, inkastoo Daniel Levy uu sameeyay dadaalkii ugu fiicnaa.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga haatan waa uu bedelay go’aankiisa, waxaana uu qarka u saaran yahay inuu amaah waqti gaaban ah ugu biiro Tottenham, sida ay sheegeen saxafiyiinta suuqa looga dambeeyo ee Florian Plettenberg iyo Fabrizio Romano.
Tel ayaa ugu biiri doona kooxda Ange Postecoglou heshiis amaah toos ah, iyada oo aan haysan wax ikhtiyaar ah oo ay ku iibsan karto, waxaana uu haatan ku sii jeedaa England si uu u dhamaystiro tijaabada caafimaadka.
Arsenal, Chelsea iyo Manchester United ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi doonaan maalinta kama dambaysta ah ee suuqa saxiixa Tel, laakiin waxa uu haatan heshiis la gaaray Tottenham.