Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhamaysatay kaalintii ugu xumayd ee ugu hoosaysay ku dhamaysatay xilli-ciyaareedkan tan iyo markii uu horyaalku qaatay magaca Premier League sannadkii 1992kii
Manchester United ayaa kaalinta siddeedaad ee horyaalka Premier League ku dhamaysatay inkasta oo ay guul 2-0 ah ka gaadheen Wolves oo marti ugu ahayd Old T1rafford, waxaana inay booskan ka galaan horyaalka ugu dambaysay sannadkii 1990kii.
Tababare Erik ten Hag oo kooxdiisu ay muujisay inay hoos usii socoto ayaa isla markii ay ciyaartu dhamaatay waxa la shaaciyey go’aan adag oo ay ka qaateen masuuliyiinta kooxdiisu, waxaana saacadaha soo socda la filayaa in ay saxaafaddu heli doonto faahfaahin badan oo ku saabsan go’aankaas.
Wararka hordhaca ah ee ay tabinayaan saxaafaddu ayaa sheegaya in Sir Jim Ratcliffe uu go’aamiyey in shaqada laga caydhiyo Erik ten Hag oo laba xilli-ciyaareed oo uu maamulayey Manchester United ay muuqato in aanay wax horumar ah samaynin.
Red Devils ayaa la sheegay in ay xidhiidh la samaysay tababaraha ka tegay Bayern Munich ee Thomas Tuchel oo usbuucyada soo socda ay la magacaabi doono, inkasta oo wali aanay Red Devils xaqiijin bixitaanka Erik ten Hag.
Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa waxa kaalinta siddeedaad ay ugu dhacday farqiga goolasha iyagoo hal gool ka dambeeyey Newcastle United oo booskaas kala baxday galabta markii ay 4-2 kaga adkaadeen Brentford oo ay marti u ahaayeen.