Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester United ee Kobbie Mainoo oo ay isku haysteen xulalka England iyo Ghana ayaa lagu kala calaf qaaday, waxaana goordhoweyd uu si rasmi ah uga mid noqday xulka qaranka England.
Tababare Gareth Southgate ayaa isbeddel ku sameeyey liiska xulka qaranka England ee la ciyaari doona waddanka Brazil toddobaadka soo socda, waxaana uu ugu yeedhay oo uu xagga dambe kaga soo daray Kobbie Mainoo oo uu markii hore ka reebay.
Mainoo oo 18 jir ah, ayaa waxa uu qorshuhu ahaa inuu ka mid noqdo xulka da’yarta England ee uu tababaraha u yahay Lee Carsley, laakiin Gareth Southgate ayaa go’aansaday inuu kusoo daro xulka waaweyn.
Waxa uu dheemankani qayb ka nodon qoonaa xulka qaranka England ee Sabtida la ciyaaraya Brazil oo garoonka Wembley Stadium ay ku ballansan yihiin, halka Salaasada soo socotana ay la dheeli doonaan Belgium.
Waxa uu Kobbie Mainoo noqday ciyaartoygii saddexaad ee ku cusub xulka England ee uu Gareth Southgate u yeedho,w axaana ka horreeyey Jarrad Branthwaite iyo Anthony Gordon.
Go’aanka uu Gareth Southgate ugu soo daray xulka England kubbad-sameeyahan, ayaa waxa uu soo afjarayaa rajadii Ghana ee ahayd inay ku qanciyaan Mainoo inuu u dheelo dalka uu asal ahaanta kasoo jeedo ee ay ka yimaaddeen waalidkii.