Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la saxeexatay xiddiga reer Argentina ee ay dadka qaarkood ugu yeedhaan ‘Lionel Messi-ga cusub’ ee Claudio Echeverri oo ay kala soo wareegeen kooxda River Plate.
Manchester City ayaa dhamaystirtay heshiiska 18 jirkan oo saxeexay qandaraas socon doona illaa laga gaadhayo June 2028, iyaga oo sidoo kalena u shubaya kooxda River Plate lacag dhan £12.5 milyan oo Gini.
Sida uu heshiisku dhigayo, Claudio Echeverri ayaa waxa uu sii joogi doonaa kooxdiisa River Plate sannadkan 2024, waxaanu soo gaadhi doonaa Etihad Stadium marka la gaadho January 2025.
Claudio Echeverri oo wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka ee 17-jirrada ee sannadkii tegay, isla markaana saddexlay ka dhaliyey Brazil ciyaartii wareegga siddeedda, ayaa waxa ay Man City kala soo wareegaysaa isla kooxdii ay kasoo iibsadeen Julian Alvarez laba sannadood ka hor.
Kooxaha Barcelona iyo Chelsea oo si weyn u doonayay ayey Manchester City ku garaacday heshiiska Claudio Echeverri oo loo carbinayo inuu noqdo mustaqbalka Etihad Stadium.