Manchester United ayaa kusoo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka kooxda Ipswich Town Liam Delap kaas oo sidoo kale xiiso ka helaya kooxda Tottenham Hotspur. (Express)
Qorshihii Mathys Tel uu uga soo wareegayay Bayern Munich uguna biiri lahaa Man Utd ayaa burburay sababtoo ah kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa ku adkeysaneysa in amaah ku dirin weeraryahanka (Sky Germany)
Chelsea ayaa weli laga yaabaa inay heshiis soo daahay kula saxiixato garabka Manchester United Alejandro Garnacho ka dib markii si weyn loola xiriirinayay Janaayo oo dhan. (football.london)
Juventus iyo AC Milan ayaa doonaya in ay la soo saxiixdaan Joao Felix kaas oo haatan ay u badantahay in uu amaah ugu biiro Aston Villa ka hor inta uusan xirmin daaqada. (Fichajes – Spain)
Real Madrid ayaa dooneysa in shakiga laga bixiyo mustaqbalka Vinicius Junior oo xiiso weyn ka heysta Saudi Pro League. (Fichajes – Spain)
Tottenham ayaa heshiis amaah ah kula saxiixan karta daafaca Chelsea ee Axel Disasi, laakiin wuxuu doorbidayaa inuu ku biiro kooxda Unai Emery ee Aston Villa. (Fabrizio Romano)
Weeraryahanka Liverpool Jayden Danns ayaa diirada u saaran labada kooxood ee Championship Sunderland iyo Blackburn Rovers. (Football Insider)
Arsenal iyo Tottenham ayaa ah labada kooxood ee ugu cadcad ee la saxiixan kara xiddiga Euro 2024 ku guuleystay ee Nico Williams (El Nacional – Spain)
Barcelona ayaa bartilmaameedkeeda ugu sareya u aqoonsatay Williams iyo Jonathan Tah oo ka tirsan Bayer Leverkusen. (Fichajes – Spain)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Carney Chukwuemeka, ayaa tijaabada caafimaadka u maraya Borussia Dortmund ka hor inta uusan amaah ugu dhaqaaqin. (Fabrizio Romano)
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa doonaya inuu kooxdiisa lacag dhan 200 milyan oo euro kula soo wareegto labada ciyaaryahan ee Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz iyo Jeremie Frimpong. (El Nacional – Spain)
Bartilmaameedka Man City Nico Gonzalez, kaasoo qandaraaskiisa Porto lagu burburin karo 50 milyan ginni ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Premier League. (TBR Football)
Garabka Borussia Dortmund Karim Adeyemi ayaa diiday fursad uu ugu biiri lahaa Napoli, wuxuu doonayaa inuu u dhaqaaqo Premier League. Liverpool iyo Chelsea ayaa labaduba xiiseynaya saxiixa xiddiga reer Jarmal. (Fichajes – Spain)
Wolves ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto xiddiga khadka dhexe ee Reims Marshall Muneti kaasoo ku kacaya 16 milyan ginni. (Sky Sports)