Chelsea ayaa wajaheysa dhamaadka mashquulka badan ee suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, iyagoo heshiisyo dhowr ah ku lug yeelan kara.
Kooxda Chelsea ayaa heshiis 15 milyan euro ah la gaartay Saint-Etienne si ay kaga soo qaataan 19 jirka khadka dhexe Mathis Amougou.
Bules ayaa ogolaatay heshiis ay kula soo saxiixaneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Saint-Etienne Mathis Amougou, sida laga soo xigtay The Telegraph.
kooxda Maresca ayaa qarka u saaran in ku xoojiso xiddig kale oo da’yar oo khadka dhexe.
Kadib wadahadalo maalmo qaatay oo ay la yeesheen kooxda Ligue 1 ka dhisan ee Saint-Etienne, Blues ayaa heshiis la gaartay Amougou.
19-sano jirkaan ayaa wacdaro ka dhigaya kooxda Faransiiska xilli ciyaareedkan, isagoo u saftay 17 kulan, inkastoo uusan mar walba kusoo bilaaban.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa matalay xulka France heer kasta oo dhalinyaro ah tan iyo 16 jirkiisii, waxaana la filayaa inuu kulankiisii ugu horeyay u safto xulka U20 dhawaan.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, heshiiska Amougou waxaa soo gabagabeyn kara Blues saacadaha soosocda, inkastoo Fabrizio Romano uu sheegay in heshiiska weli wax badan ka harsan yihiin.
Si kastaba ha noqotee, faahfaahinta ugu dambeysa ee saxiixa Chelsea Amougou, halkaan ayaad kala socan doontaa haddii alle idmo.