Ugu dambeyn, go’aan rasmi ah ayaa la filayaa in laga gaaro mustaqbalka Dani Olmo iyo Pau Victor ee kooxda Barcelona, taasoo la xiriirta diiwaangelintooda iyo khilaafka La Liga.
Guddiga Sare ee Isboortiga Spain (CSD) ayaa heysta ilaa 7-da April si ay u gaaraan go’aanka kama dambaysta ah ee Olmo iyo Victor, iyadoo go’aankii hore ee kumeelgaarka ahaa ee u ogolaanayay inay sii ciyaaraan uu sii dhamaanayo. Jose Manuel Rodriguez Uribes, madaxweynaha CSD, ayaa xaqiijiyay in maalmaha soo socda la shaacin doono natiijada baaritaanka la sameeyay.
Barcelona ayaa xagaagii la soo dhaafay la kulantay dhibaato dhanka miisaaniyadda mushaharaadka, taasoo keentay inay hesho jid kale oo ay ku diiwaangeliso Olmo iyo Victor, iyagoo si kumeel gaar ah u diiwaangeliyay Andreas Christensen oo dhaawac ku maqnaa. Laakiin markii xilliga kala-guurka la gaaray ee ay rabeen inay arrintan xalliyaan, waxay dib uga dhaceen waqtigii kama dambaysta ahaa, taasoo keentay in La Liga ay mamnuucdo in ciyaaryahan laba goor la diiwaangeliyo hal xilli ciyaareed.
Waxaa la gaadhay heer ay suuragal noqoto in Olmo iyo Victor aanay sii ciyaarin xilli ciyaareedka oo dhan, ama xitaa inay jebiyaan qandaraaskooda si ay xor ugu baxaan. Laakiin Barcelona ayaa rafcaan u gudbisay CSD, taasoo keentay in ciyaartoydu sii ciyaaraan inta kiiska la baarayo. Hadda, waqtiga go’aanka kama dambaysta ah wuu soo dhow yahay.
Jose Manuel Rodriguez Uribes ayaa u mahadceliyay Real Madrid iyo 90% kooxaha kale, kuwaasoo ogolaaday in Olmo iyo Victor loo ogolaado inay sii ciyaaraan, inkasta oo ay u muuqato in Barca ay sharciyada ka tallaabsatay.
Uribes ayaa yidhi:
“Khilaaf ayaa ka dhashay arrintan, waxaana is khilaafay FC Barcelona, La Liga iyo xiriirka kubadda cagta Spain (RFEF). Waxaan dareemnay in, sida uu dhigayo sharciga isboortiga, ay waajib nagu tahay in aan hubinno in ciyaartoydu aanay waxyeello ka soo gaarin murankan.”
“Waxaan si cad u aragnay in Dani Olmo uu ciyaari karo inta arrintan la xallinayo. Ciyaartoydu waxay xaq u leeyihiin xirfad kubadeed oo caadi ah, waana go’aan nooga hirgeli doona xaalad kasta oo kale, ciyaar kasta oo isboorti ah.”
Waxaa la sugayaa in maalmaha soo socda la shaaciyo go’aanka rasmiga ah, kaasoo go’aamin doona in Olmo iyo Victor ay sii joogi doonaan Barcelona inta ka dhiman xilli ciyaareedka iyo in kale.