Suuqa kala iibsiga wuu furan yahay! Naadiyada Yurub ayaa sameenaya saxiixoyo.
Waxaynu eegi doona wararka ay Wargeysyada ka qoreen suuqa kala iibsiga.
Manchester United ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaanaya Marcus Rashford ka dib markii uu burburay xiriirkii isaga iyo Erik ten Hag ( THE SUN )
Al Nassr ayaa diyaar u ah inay siiso goolhayaha Manchester City Ederson lacag dhan 50 milyan oo ginni ah muddo labo sano ah hadii uu kooxda ku biiro ( DAILY MIRROR )
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Albert Sambi-Lokonga ayaa ogolaaday inuu u dhaqaaqo Sevilla ka dib markii uu dhamaaday amaahdii uu ku joogay Luton ( DAILY MAIL )
Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayso inay dib usoo ceshato Kyle Walker ( DAILY EXPRESS )
U dhaqaaqista Manchester United ee ku aadan saxiixa xiddiga Bayern Munich Matthijs de Ligt ayaa si dhaqso ah u socda iyadoo kooxdu ay bilowday inay u dhaqaaq ka sameyso suuqa kala iibsiga (THE I )
Arsenal ayaa qarka u saaran inay heshiis la gaarto Bologna oo ku aadan daafaca Calafiori ( SPORT )
Fulham oo soo bandhigay xiisaha ay u qabaan saxiixa khadka dhexe ee Man United Scott McTominay (Manchester World )
Mustaqbalka Ben Chilwell ee Stamford Bridge ayaa shaki ku jiraa ka dib imaanshaha Enzo Maresca ee Chelsea ( THE TELEGRAPH)