Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa diiday inuu macasalaameeyo tababare Jurgen Klopp oo shalay lagu sii sagootiyey gudaha garoonka Anfield, halkaas oo ay dhamaan ciyaartoyda iyo shaqaaluhu ugu yimaaddeen.
Weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez ayaa noqday ciyaartoyga kaliya ee aan sagootiyin tababare Klopp oo kursiga kaydka dhigay usbuucyadii u dambeeyey, kaddib markii ay laacibkan ku adkaatay inuu goolal dhaliyo.
Nunez ayaa diiday inuu sacabka u tumo Jurgen Klopp oo ay ciyaartoydu saf labada dhinac ah u istaageen, waxaana dhamaantood iyagoo qiiraysay ay sacabka u tumeen markii ay saf sharafeedka u sameeyeen, laakiin Nunez ayaa dhinacyada eegay isaga oo labadiisa gacmoodna isasaaray, waxaana uu gacay mutarabac.
Laacibkan oo tababare Jurgen Klopp uu ansixiyey in June 2022 ay Liverpool £85 milyan oo Gini kaga soo iibsato Benfica, ayaa falka uu sameeyey ay aad uga cadhoodeen taageereyaasha Liverpool oo tababare Jurgen Klopp uu u yahay halyey maadaama uu guulo badan gaadhsiiyey muddo sagaal sannadood ah oo uu laylinayey.
Halkan kaga bogo muuqaalka dhacdada
Every player clapped as Klopp made his way through the guard of honour. All except one. The same player that couldn't have looked less interested during his final post-match team talk. pic.twitter.com/OypqO6Dolj
— matt (@ynwamatt) May 19, 2024
Markii ay ciyaartoydu soo galeen qolka labbiska ayaa uu sidoo kale Jurgen Klopp kula hadlay qolka labbiska, waxaana uu uga mahadceliyey dedaalkii ciyaareed iyo ixtiraamkii ay u muujiyeen muddadii ay wada joogeen Anfield, laakiin Darwin Nunez ayaa la arkayey isaga oo wajigiisa labada gacmood saaray oo qariyey.
Lama garanayo inuu diidayey inuu Jurgen Klopp arko iyo in uu ooyayey oo uu ilmada qarsanayey, hase yeeshee waxa uu muuqaalkanna noqday mid kale oo taageereyaasha soo jiitay.
Halkan kaga bogo muuqaalka labaad
"I just want to say, I love you." ❤️
Jürgen delivers a speech to his squad one last time 🗣️ #DankeJürgen pic.twitter.com/l8fKItD0av
— Liverpool FC (@LFC) May 19, 2024