Ruben Amorim ayaa ku soo rogay qolka labiska Manchester United xeer adag taas oo qayb ka ah talaabooyinkiisa cusub ee anshaxa kooxda.
MAXAA DHACAY?
Ka dib markii uu la wareegay shaqadii laga ceyriyay Erik ten Hag, Amorim wax waqti ah kuma lumin hirgelinta xeer adag oo anshaxa kooxda ah isagoo doonayay marka hore inuu soo celiyo nidaamka iyo midnimada kooxda.
Sharciyada adag ee qolka labiska uu kusoo rogay ayaa qayb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu doonayo in lagu soo celiyo maalmihii sharafta lahaa ee Red Devils.
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha reer Portugal ayaa waxaa iska cad in uusan u joogin Old Trafford si uu saaxiib la noqdo ciyaartoydiisa.
Intii lagu guda jiray ciyaartii Everton, Amorim wuxuu si cad uga carooday ciyaaryahan loo diyaarinayay bedel inuu kusoo galo oo waqti badan lagu lumiyay diyaargarowgiisa.
Amorim wuxuu mamnuucay cuntada qolka labiska lagu cuno maalmaha ciyaaraha jiraan, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in aysan taas ka dhici karin Old Trafford.
Intii lagu guda jiray fasaxii caalamiga ahaa ee bishii November, Marcus Rashford iyo Casemiro ayaa doortay safar ay ku aadeen Mareykanka ka dib markii looga yeeri waayay waajibaadka xulalkooda qaranka.
Inkastoo Amorim uu ka gaabsaday inuu si cad u dhaleeceeyo labada shaqsi, haddana wuxuu gudbiyay fariin cad oo ku saabsan xaddidaadda safarada micnaha aan laheyn inta lagu jiro fasaxa xilli ciyaareedka.
Amorim ayaa isku diyaarinaya kulanka derby ee uu ku wajahayo Manchester City Etihad Stadium Axada.