Cristiano Ronaldo, oo ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn taariikhda Real Madrid, ayaa fariin cad u diray kooxda iyo taageerayaasheeda, isagoo talo siiyay sida loo daryeelayo Kylian Mbappe inta uu ku guda jiro la qabsiga kooxda reer Spain.
Isagoo la hadlayay Edu Aguirre oo soo jeediya barnaamijka El Chiringuito TV, Ronaldo wuxuu ku dhiibtay fikradiisa ku aaddan sida Mbappe ula qabsan karo nolosha Real Madrid.
Ronaldo wuxuu si cad u sheegay inuu rumeysan yahay in taageerayaasha Real Madrid ay tahay inay ilaaliyaan oo taageeraan Mbappe. “Daryeel haloo muujiyo isaga. Waxaan u sheegayaa taageerayaasha Real Madrid… Ilmahan hala ilaaliyo,” ayuu yiri.
“Mbappe waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, Real Madrid-na waa inay caawiso oo ay difaacdo. Shaki iigama jiro inuu farxad badan u keeni doono taageerayaasha Real Madrid,” ayuu sii raaciyay.
Ronaldo wuxuu sidoo kale fikirkiisa ka dhiibtay sida Mbappe ugu habboonaan karo habka tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti. Wuxuu soo jeediyay in booska ugu wanaagsan ee Mbappe uusan ahayn midka weeraryahanka dhexe, isagoo xusay in taas ay dhibaato ku noqon karto.
“Booska weerarka dhexe wuu ku liitaa Mbappe sababtoo ah anigu waxaan aaminsanahay inuusan garanayn sida weeraryahan toos ah loo ciyaaro. Ma aha in uusan aqoon, balse booskiisa saxda ah maaha,” ayuu yiri Ronaldo.