Kabtanka Al Nassr, Cristiano Ronaldo, ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay isku dayday inay la saxiixato bilowgii xirfaddiisa ciyaareed.
Ronaldo ayaa hore ugu soo ciyaaray kooxda ay xafiiltamaan Barcelona ee Real Madrid, oo ka dhisan horyaalka LaLiga.
Xiddiga xulka Portugal ayaa intii uu joogay Los Blancos ku guuleystay koobab badan, oo ay ku jiraan UEFA Champions League.
Isagoo dhowaan la hadlaya @EduAguirre7, weeraryahanka 39-jirka ah ayaa sidoo kale sheegay inuu jeclaa ku ciyaarista garoonka Camp Nou xilligii uu Real Madrid u dheelayay.
“Kahor Manchester United, waxaan fursad u haystay inaan u ciyaaro Barça,” ayuu yiri Ronaldo, sida uu soo xigtay Fabrizio Romano.
“Waqtigii aan joogay Sporting, waxay isku dayeen inay i la saxiixdaan. Waxey i rabeen, hal sano kadib.
“Kadib Manchester United ayaa soo muuqatay.”
Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan jeclaa inaan ka ciyaaro Camp Nou. Way i ceyrsan jireen, way i caayi jireen, waanan jeclaa taas.”
Ronaldo wuxuu sidoo kale hore ugu soo ciyaaray kooxaha Juventus iyo Manchester United.