Ciyaartoyda Manchester United ayaa ka caga jiida inay kubada u baasaan Rasmus Hojlund madaama aysan kalsooni ku qabin isaga sida ay ogaatay jariirada Daily Mail oo sheegtay in Hojlund kubada loo baaso haatan si aad uga yar wakhtigii hore.
Hojlund ayaa ku jira abaar kale tan iyo markii uu dhaawac ka soo laabtay bishii Maarso, isagoo dhaliyay kaliya hal gool 10 kulan uu ciyaaray.
Ciyaartoyda Man United ayaan kalsooni ku qabin isaga iyadoo ciyaaryahan aan la magacaabin uu jariirada u sheegay in ciyaartoyda ay raadiyaan doorasho kale marka ay kubada ku helaan boos weerar ah bedelkii ay u baasi lahaayeen Hojlund.
Marka kaliya ee Hojlund kubada loogu baaso boos weerar ah waa marka aysan ciyaartoyda heysan doorasho kale oo aan ka aheyn xiddiga reer Norway.
Horaantii xilli ciyaareedkan Hojlund ayaa ka dacwooday in kabtan Bruno Fernandes uusan kubada u baasin inta badan, iyadoo waqtigaas ay u muuqatay in la xaliyay qilaafkooda oo salka ku hayay isku dhici Diogo Dalot iyo Hojlund.
Balse haatan xiddigaha kale ee Man United ayaa u arka in Hojlund ayaa kubada lagu aamin karin taasoo u abuureysa caqabad kale oo xoogan.,
Ciyaaryahanka ugu daran ee aan Hojlund kubada u baasin waa Alejandro Garnacho oo kaliya labo baas u dhigay Hojlund in ka badan 573 daqiiqadood oo ay garoonka ku jireen, waa lix kulan.
Waxaa iyadana hoos u dhac ku yimid baasaskii uu Aaron Wan-Bissaka ku quudinayay Hojlund si la mid ah Scott McTominay.