Kadib markii ay heshiis la gaartay xiddiga Barcelona ee Marc Guiu.
Blues ayaa dareenleeda u jeedinaysa dhankaas iyo Jarmalka.
Chelsea ayaa xagaagan sameeneysa saxiixyo badan laakin una badno inay saameyn ka dhalan karto waayo waxaa iyagaba ka tagaya ciyaaryahano kale.
Romelu Lukaku iyo Armando Broja midkoodna uma muuqdo inay mustaqbal dheer ku leeyihiin Stamford Bridge, halka xaalada Nicolas Jackson sidoo kale su’aal la geliyChelseal
Chelsea ayaa sida muuqata diyaar u ah inay iska dirto ciyaaryahankii hore ee Villarreal hadii ay ku guuleystaan dadaalkooda ay ku doonayaan inay Alexander Isak kala soo wareegaan Newcastle United, laakiin u dhaqaaqista xiddiga reer Sweden ayaa weli loo arkaa mid aan macquul aheyn xilligan.
Taa baddalkeeda, madaxda Blues ayaa wadahadalo la yeesheen kooxda Bayern Munich oo ku aadan Mathys Tel dhamaadkii Isbuucaan, iyagoo markii hore xiiseynayay xiddiga reer France bishii Febraayo.
Chelsea ma aysan dardar galin baacsigii ay ku doonaysay bartamihii xilli ciyaareedka, laakiin warbixintu waxa ay intaa ku dartay in ay haatan kordhiyeen dadaalkii ay ku doonayeen in ay Tel kula soo wareegaan.
19-sano jirkaan wuxuu kooxda Bundesliga kaga soo biiray kooxda ka dhisan Ligue 1 ee Rennes xagaagii 2022, waxayna ku soo iibsatay 16.9 milyan oo ginni.
Tel ayaa ku lug yeeshay 16 gool 41 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 10 ka mid ah wuxuuna sameeyay lix caawin.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa kaliya ka ciyaari kara booska Harry Kane ee weerarka, halka Kingsley Coman, Serge Gnabry iyo Leroy Sane ay caadiyan ka ciyaaraan baalasha.
Tel ayaa saftay oo kaliya lix kulan oo heerka sare ah oo ku bilowday ololaha 2023-24.
19-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisu haatan socdaa ilaa xagaaga 2029, isagoo aaminsan in mustaqbal fog uu ku leeyahay Allianz Arena, laakiin waa la arki doonaa sida uu uga hoos shaqeyn doono tababaraha cusub Vincent Kompany.