Halyeeygii hore ee Chelsea, John Obi Mikel, ayaa dhaleeceeyay kooxda markii aysan ku guuleysan inay xoojiso labada aag ee muhiimka ah marka ay fursad u heysatay suuqa kala iibsiga Janaayo.
Laakiin kooxda galbeedka London ayaa ku guuleysatay kaliya saddex ciyaarood sagaal kulan oo ay ka qayb galeen dhammaan tartamada, iyagoo haatan ku jirta kaalinta afaraad ee Premier League, waxey 13 dhibcood ka dambeeyaan hogaamiyeyaasha Liverpool.
Hoos u dhaca xasiloonida ayaa kor u qaaday baaqyada taageerayaasha Chelsea ee ku aaddan in la keeno xiddigo lagu xoojiyo kooxda xagaaga, iyadoo labada dhinac ee garoonka ay u muuqdaan inay u baahan yihiin isbeddel.
Robert Sanchez ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu badan ee gala khaladaad taasoo sababtay in kooxda lagu durduriyo goolal farabadan xilli ciyaareedkan, waxaana su’aalo weyn laga keenay booskiisa goolka.
Dhinaca weerarka, Nicolas Jackson ayaa la kulmay hoos u dhac muuqda oo qaab ciyaareedkiisa ah, waxaana uu u muuqdaa mid si xun ugu dhibtoonaya kalsooni darro xagga gool dhalinta, iyadoo uu ku guuldareystay in uu taabto shabaqa siddeed kulan oo xiriir ah dhammaan tartamada.
Labadan boos oo loo baahnaa in laga dhiso kooxda ayaa waxey noqdeen kuwa aan lasiin mudnaan gaar ah xilligii uu furnaa suuqa.