Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si buuxda ula wareegtay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, kaddib markii ay 2-1 kusoo garaaceen Brighton & Holve Albion oo ay marti u ahaayeen.
Chelsea ayaa labada gool ee guusha siiyey waxa u kala dhaliyey Cole Palmer iyo laacibka muddada dheer dhaawaca u jiifay ee Christopher Alan Nkunku oo dib ugu soo laabtay kooxdiisa, waxaana hadda ay Chelsea ku hammiyeysaa inay soo cidhiidhsato kaalinta shanaad haddii ay Tottenham guul-darraysato Axadda.
Ciyaartan oo inteeda badan ay maamulaysay Chelsea ayaa qaybta horeba ay dhaawacyo kaga baxeen laba ciyaartoy oo labada kooxood ah, taas oo ku qasabtay De Zerbi iyo Pochettino inay sameeyaan beddello waqti hore ahaa oo aan markii hore qorshahooda ku jirin.
Daqiiqaddii 34aad ee ciyaarta ayay Chelsea u dabbaal-degtay goolkeeda koowaad ee ciyaarta oo uu u dhaliyey Cole Palmer oo saxeexay goolkiisii 22aad ee horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan.
Labada kooxoodba fursado badan ayay iska khasaariyeen ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, iyadoo Chelsea uu nasiibku caawiyey oo laga daayey rikoodhe.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Brighton si adag u dagaallantay si ay iskaga soo beddelo goolka lagala hormaray, laakiin xiddiga reer France ee Christopher Alan Nkunku ayaa kubbad uu soo dhiibay Gusto Malo waxa uu ku aamusiiyey kooxda garoonkeeda joogtay ee Wolves.
Brighton ayaa diidday inay is-dhiibto, waxaanay si buuxda ula wareegtay maamulka ciyaarta, halka Chelsea ay dib ugu fadhiisatay difaaca si ay u ilaashato shabaqeeda.
Reece James oo ah kabtanka Chelsea ayaa casaan toos ah lagaga saaray ciyaarta oo dhamaadkeeda ay siddeed daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaanay taasi diciifisay kooxdiisa oo dhinacyada lagaga keenay weerar aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqaddii 90+7 ayaa Brighton ay keentay gool madi ah oo ay awoodi waayeen inay mid labaad ku daraan oo uu u dhaliyey weeraryahanka reer England ee Danny Welbeck.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Manchester United waxaanay natiijadani ka dhigan tahay in Chelsea ay yeelatay 60 dhibcood, waxaanay saddex dhibcood ka dambaysaa Tottenham oo shanaad ku jirta oo haddii laga badiyo Axadda sidoo kalena ay Blues soo adkaato ay farqiga goolasha ku dhaafi doonto.