Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku guuleysatay koobka FA Cup oo ay ku garaacday Manchester City oo ay garoonka Wembley maryo dhiig leh ku kala furteen, halkaas oo Kobbie Mainoo iyo Alejandro Garnacho ay ku noqdeen geesiyada Man United ee waqtigan iyo mustaqbalkaba.
Manchester United ayaa qaybtii horeba xaqiijisatay inay guuleysanayso oo la timid labada gool ee ay u kala dhaliyeen Garnacho iyo Mainoo, halka Manchester City ay waqti dambe dagaallantay oo ay keentay gool madi ahaa oo ay ciyaartuna kusoo dhamaatay 2-1.
Laba gool oo ay sagaal daqiiqadood u dhexeeyeen ayaa xaqiijiyey guusha Manchester United, iyadoo sidoo kalena gool saddexaad ay VAR ka diidday isla qaybtii hore iyadoo uu u saxeexay Marcus Rashford balse Garnacho oo usoo dhiibay uu offside kusii jiray.
Koobkan oo ah kii labaad ee uu u qaaday Erik ten Hag laba sannadood oo uu joogay Manchester United, ayaa sidoo kale ah koobkii labaad ee muddo lix sannadood ah ay qaaddo Man United oo sannadkii hore uu abaar shan sannadood ka haysatay koobabka uu kasoo afjaray Ten Hag.
Daqiiqaddii 30aad ayaa Manchester United ay hoggaanka ku qabatay gool uu u dhaliyey Alejandro Garnacho oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey difaaca reer Croatia ee Gvardiol oo kubbad uu doonayey inuu madax ugu dhiibo goolhayaha u dhaafiyey dhinaca goolka, taas oo uu Garnacho ka helay meel cidlo ah oo uu ku leexiyey shabaqa oo cidlo ah.
Siddeed daqiiqadood kaddib ayay Manchester United keentay gool labaad oo uu u dhaliyey Marcus Rashford oo xerada ganaaxa uu kubad ugu dhiibay Alejandro Garnacho oo garabka midig kala soo galay kubbad uu kala soo baxsaday difaaca Man City, balse markii uu Rashford dabbaal-degga bilaabay ayaa uu arkay calanka oo dhinaca ka taagan oo offside loogu sheegayo.
Daqiiqad kaddib ayey Manchester United keentay gool aanu shaki ku jirin oo si qurux badan ay kubadda iskugu dhiibeen xiddigaha khadka dhexe, waxaana kalsooni ku dhamaystiray Kobbie Mainoo oo baas qurux badan ka helay Bruno Fernandes.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay hoggaanka ku haysay Manchester United, halka Man City ay ahayd koox kubaddeedu kala daadsan tahay oo aan lahayn weerar shaqaynaya, isku-dhiibkii lagu yaqaanay iyo isku-duubnidii difaaca oo meesha ka baxay.
Guardiola ayaa intii nasashada lagu maqnaa waxa uu saaray Nathan Ake iyo Mateo Kavacic oo uu kusoo beddelay Jeremy Doku iyo Manuel Akanji oo soo tiiriyey difaacii marka yhore burbursanaa.
Daqiiqaddii 56aad ayaa waxa fursad dahabi ahayd Manchester City ka lumiyey Erling Haaland oo kubadda birta ka jaray, isla markaana bannaanka u saaray, waxyar kaddibna waxa ay City ku doodday in rikoodhe loo dhigo Haaland oo ku dhacay xerada ganaaxa balse waxa aan dheg u dhigin garsooraha dhexe.
Dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood ka hadhsan tahay ayaa Manchester City uu gool madi ah u dhaliyey Jeremy Doku, balse waxa ay awoodi waayeen inay gool labaad ku daraan, ciyaartuna waxa ay kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Manchester City oo ku guuleysatay koobka FA Cup.