Manchester City ayaa ku guuleysatay koobka horyaalka Premier League markii afaraad oo isku xigta, waligeed kama dhicin taariikhda Premier League in koox ay horyaalka qaado afar xilli ciyaareed oo isku xigta.
Pep Guardiola iyo ciyaartoydiisa ayaa isku qoray buuga taariikhda Premier League ka dib markii ay kulankii ugu danbeeyay xilli ciyaareedka ay 3-1 ku garaaceen West Ham oo marti ku aheyd Etihad Stadium.
City ayaa si raaxo leh ciyaarta ku bilaabatay ka dib labo gool uu u dhaliyay Phil Foden, laakiin waxaa ciyaarta xamaasad u yeelay gool uu West Ham u soo celiyay Kudus ka hor waqtigii nasashada.
Balse laacibkooda khadka dhexe Rodri ayaa ciyaarta hurdo u diray isagoo dhaliyay goolka seddexaad bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta.
Man City ayaa u baahneyd guul ay gaarto kulankooda ugu danbeeya xilli ciyaareedka wax kasta oo ay noqoto natiijada Arsenal iyo Everton, sidaasi darteed waxay xaqiijisteen hanashadooda horyaalka Premier League.
Man City ayaa awood ku heysata horyaalka Premier League iyagoo 10kii sannadood ee ugu danbeeyay ku guuleystay horyaalka todoba jeer taasoo ah xog waali ah.
Waxay sidoo kale horyaalka Premier League ku guuleysteen lix jeer todobadii sannadood ee ugu danbeysay.
10kii sannadood ee ugu danbeysay kaliya Liverpool oo hal jeer ku guuleysatay horyaalka iyo Chelsea oo labo jeer hanatay ayaa Man City ku ciriiriyay horyaalka, laakiin City ayaa noqotay awood aan loo babac dhigi karin horyaalka Ingariiska.
Guulaha xiriirka ah ee Man City waxay ku soo aadayaan xilli loo heysto 115 dacwadood oo la xiriira inay khiyaano dhaqaale ku kaceen taasoo haddii lagu helo sababi karta in dhibco badan laga jaro xilli ciyaareedka soo socda ama in muran laga geliyay koobabkii ay ku soo guuleysteen sannadihii ugu danbeeyay.