Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa adkeeyay in kooxdiisu ay u baahan tahay inay gacanta ku dhigto ciyaarta iyo dareenkooda marka ay wajahaan Arsenal lugta labaad ee wareega rubuc-dhamaadka Champions League ee ka dhici doonta garoonka Santiago Bernabeu. Los Blancos ayaa wajahaysa saddex gool oo looga hormaray kadib guuldarro culus oo ay kala kulmeen Emirates usbuucii hore.
Ancelotti ayaa sheegay in kooxdiisu ay maskax ahaan u diyaarsan tahay kulanka.
“Taageerada ka timid jamaahiirta ayaa naga caawisay sannadihii la soo dhaafay. Beri waxaan u baahan-nahay ciyaar heer sare ah si aan iskugu dayno inaan ka soo laabano ciyaar adag. Beri waxaan isku dayi doonaa inaan bedelno niyadda. Waxaan doonaynaa inaan u ciyaarno si xasiloon, si qalbi leh, iyo sida uu Alcaraz leeyahay… anagoo leh geesinimo. Maskax ahaan aad ayaan u fiican-nahay. Waxaan u baahan-nahay inaan si fiican u maamulno ciyaarta.”
Xidigooda muhiimka ah Jude Bellingham ayaa muujiyay tamartaas shirkiisii jaraa’id ee ka hor ciyaarta, iyadoo rajo laga qabo in Los Blancos ay wax gaar ah sameyn karaan. Ancelotti wuxuu hubaa in ay haystaan khayraadkii looga baahnaa si ay u sameeyaan soo laabasho.
“Waxaan leenahay dadaal, waayo-aragnimo, ciyaartoy, taageerayaal… dhammaan khayraadku waa jiraa. Sannadkii hore, qofna ma dhihin inaan ciyaarayno kubad cajiib ah. Waxaan dooneynaa inaan ciyaarno kubad wax ku ool ah.”
Waxaa warbaahinta shaacisay in haddii Real Madrid reebto Arsenal ay taasi keeni karto in Ancelotti shaqada waayo dhammaadka xilli ciyaareedka. Waxaa la weydiiyay sida uu u wajahayo hadal-heynta arrintaas la xiriirta.
“Waxaan ahay mid feejigan, xasiloon. Tani ma aha habeenkaygii ugu horreeyay ee noocaan ah… waxaan rajeynayaa inaysan noqon doonin kii ugu dambeeyay. Kama welwelsani, balse aad baan u xiiseynayaa inaan door muhiim ah ka ciyaaro tababare ahaan anigoo kursiga keydka jooga. Xiisahani wuxuu iga caawinayaa inaan maskax degan yeesho.”