Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa lagu booriyay inuu isaga tago kooxda kaddib markii ay xilli ciyaareedkan la kulantay dhibaatooyin badan, taasoo hoos u dhigtay fursadaha ay ugu tartami karto koobab waaweyn.
Fernandes, oo 2020 ka yimid Sporting CP, ayaa kula guuleystay Manchester United Carabao Cup iyo FA Cup, balse Red Devils wali waxay ka fog tahay tartanka horyaalka Premier League.
Xiddigii hore ee Chelsea iyo England, Joe Cole, ayaa aaminsan in Fernandes uu u baahan yahay inuu mustaqbalkiisa dib uga fiirsado, maadaama uu yahay ciyaaryahanka ugu badan ee dhaleeceyn la kulma marka natiijo xun ay timaado.
Joe Cole: “Fernandes Waa Inuu Ka Tago Man United”
Joe Cole ayaa u sheegay Paddy Power: “Haddii aan ahaan lahaa Bruno Fernandes, waxaan gabi ahaanba raadin lahaa inaan ka tago Manchester United waayo waa koox liidata aan koob qaadi kareyn xilligan.”
Wuxuu intaas ku daray: “Isagu waa xiddiga ugu horeeya ee mar walba la dhaleeceya. Waxaa suurtagal ah in uu habeenkii gurigiisa tago oo uu la yaabo sababta qof walba isaga keli u arko, halka ay jiraan ciyaartoy kale oo aan si fiican u ciyaarayn.”
Fernandes, oo haatan 30 jir ah, ayaa wajahayay dhaleeceyn xoogan oo ku aaddan doorkiisa hoggaamineed iyo awoodda uu u leeyahay inuu kooxda sare u qaado, iyadoo Manchester United ay si weyn ugu dhibtooneyso tartamada waaweyn.
Ma cadda haddii Fernandes uu ka tagi doono Old Trafford xagaagan, balse mustaqbalkiisa ayaa ah mid laga doodayo, gaar ahaan haddii Manchester United ay xilli ciyaareed kale oo guuldarro ah la kulanto.
Maxay tahay sababta oga tagi karo ilaaa hada maxaaa sheegteen sababta sugaynaaa wali