Manchester United ayaa isku diyaarinaysa in ay isbadal weyn ku samayso kooxdeeda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee jiilaalka.
Kooxda ayaa diyaar u ah in ay albaanka u furto Christian Eriksen, Antony iyo Marcus Rashford. Iyadoo tababare Rúben Amorim uusan dooneyn in ay sii joogaan saddexda ciyaartooy kooxdiisa.
Christian Eriksen Inkasta oo ay tayadiisu farsamo tahay mid fiican, doorkiisa kama kuma qanacsano tababaraha cusub ee Man Utd Amorim.
Sidookale macalinka reer Portugal ayaa dalbaday in gabi ahaan kooxdiisa laga ceyriyo Antony, iyo Marcus Rashford oo uusan ka helin qaab ciyaareedkooda.
Marcus Rashford, oo ka mid ah halyeeyada kooxda, ayaa qarka u saaran inuu baxo suuqa kala iibsiga January.
Nidaamka xeeladeed ee Amorim kuma soo baxayaan saddexda ciyaryahan ee Christian Eriksen, Antony, iyo Marcus Rashford.