Bayer Leverkusen ayaa nabarka ku sii xanuunjisay Arsenal ka dib markii ay ku guuldareysteen inay hantaan koobka horyaalka Premier League.
Inkastoo ay Arsenal 2-1 ku garaacday Everton, hadana waxaa horyaalka ka qaaday Manchester City oo 3-1 kaga badisay West Ham.
Leverkusen ayaa daqiiqado ka dib markii ay arkeen qalbi jabka Arsenal, waxay baraha bulshada soo dhigeen sawir iyo qoraal nabarka ku sii xanuunjiyay Arsenal iyagoo adeegsaday xiddigii hore ee Gunners Granit Xhaka.
Arsenal ayaa ogolaatay in kabtankoodii hore Xhaka uu ku biiro Bayer Leverkusen xagaagii la soo dhaafay.
Xhaka ayaa ku hogaamiyay Leverkusen inay guuldarro la’aan ku qaado horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan, halka ay sidoo kale joogaan finalka Europa League oo ay la ciyaarayaan Atalanta iyo finalka DFP Pokal.
Daqiiqado ka dib markii uu soo dhamaaday xilli ciyaareedka Arsenal, Leverkusen ayaa barteeda bulshada X soo dhigtay sawirka Xhaka oo kor u qaadaya koobka Bundesliga.
Waxay soo raaciyay qoraal ah: “Alla maxay dareen tahay.
Taageerayaasha ayaana durbadiiba ogaaday waqtiga lagu soo aadiyay sawirka iyo qoraalka.
Taageere ayaa yiri: Tani waa gabood fal ay geysanayaan maamulka baraha bulshada Leverkusen.”
Mid kale ayaa yiri: “Maamulka akoonkaan, maxaad sameyneysaan?”
Xhaka ayaa Arsenal u saftay 297 kulan muddo todoba sannadood uu joogay Emirates Stadium.
Ilaa iyo haatan wuxuu Leverkusen u saftay 33 kulan oo Bundesliga ah iyo 48 kulan tartamada oo dhan.
Xhaka saaxiibkiisa kooxda Leverkusen Jeremie Frimpong ayaa sidoo kale duray Arsenal markii ay u dabaaldegayeen hanashadooda horyaalka Bundesliga.
Wuxuu ku yiri Xhaka: “Waan ku guuleysanay, Granit waxaad ka timid Arsenal, halkaan ayaadna koob ku qaaday.”