Deco oo ah agaasimaha ciyaaraha Barcelona ayaa xaqiijiyey, in kooxdiisu ay raadinayso ciyaartoygii u beddeli lahaa difaaca bidix ee Alejandro Balde oo uu dhaawac soo gaadhay, isla markaana qalliin lagu sameeyey toddobaadkan.
Alejandro Balde ayaa ka maqnaan doona inta ka hadhay xilli-ciyaareedka, waxaana ay Barcelona maalmaha kooban ee ka hadhsan suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January ay geli doontaa suuqa oo ay ka raadsan doonto difaac bidix.
Difaac bidix ee kaliya ee dabiiciga ah ee ay haysato Barcelona waa Marcos Alonso oo isaguna dhaawac ku maqan, laakiin waxa sidoo kale ay si ku-meelgaadh ah booskaas ugu isticmaali karaan Joao Cancelo oo kooxdiisii hore ee Manchester City marar badan uga ciyaaray, halka da’yarka Hector Font uu ahaa laacibka kusoo bilowday booskaas ciyaartii ay Villarreal 5-3 ku xasuuqday Sabtidii.
Deco oo la hadlay telefishanka DAZN, ayaa sheegay in kooxdiisu ay raadinayso difaac bidix, waxaana uu yidhi: “Fikradda koowaad waxay ahayd in aanu xaqiijino xaaladda Balde oo shalay ay dhakhaatiirtu soo gabogabeeyeen, waxaanay ahayd arrin ay ka tashanayeen dhakhaatiirta, ciyaartoyga, tababaraha iyo shaqaaluhu.
“Sidoo kale, haddii ay noo caddaato in lanoo ogolaanayo in aanu ciyaartoy la saxeexato, waa hubaal in aanu isku dayi doono.”
Barcelona oo dhibaato dhaqaale la daalaa-dhacaysa, isla markaana bishan January diiwaangashatay Vitor Roque ayaa waxa la sheegay in ay heshiiskii Alejandro Balde ku dartay qodob dhigaya, in mushaharkiisa ay kooxdu ka jari karto haddii uu dhaawacmo isla markaana ay booskiisa ciyaartoy cusub oo ay la saxeexdeen soo gashan karaan iyagoo mushaharkiisii siinaya.
Si kastaba ha ahaatee, Barcelona oo ay sidoo kale ka dhaawacan yihiin Gavi, Marc-Andre ter Stegen, Raphinha iyo Sergio Roberto, ayaa waxa dib ugu soo laabtay tababare Inigo Martinez oo ka fudaydin doona culaysyadii difaaca ee haystay Xavi Hernandez.