Spain ayaa xaqiijisay in Pedri uu soo gaaray murgacasho heerka labaad ee jilibka bidix intii lagu guda jiray xulkiisa wareega 8da ee Euro 2024 oo ay la ciyaarayeen Germany habeenkii Jimcaha.
21-jirkaan ayaa ka baxay garoonka qeybtii hore ee ciyaarta sideed dhamaadka ka dib markii uu loolan adag kala kulmay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Toni Kroos.
Pedri ayaa ilmeeyay markii la bedelay, isagoo si maldahan u sheegay in dhaawac halis ah uu soo gaaray, waxaana hadda si rasmi ah looga saaray inta ka harsan koobka Qaramada Yurub.
Spain ma aysan bixin waqti cayiman oo ku saabsan soo kabashada ciyaaryahanka khadka dhexe, laakiin warar kala duwan ayaa soo jeedinaya inuu garoomada ka maqnaan karo ugu yaraan lixda isbuuc ee soo socota.
“Kadib tijaabooyin lagu sameeyay ciyaaryahanka caalamiga ah ee Pedri Gonzalez, wuxuu leeyahay darajo laba murgacasho oo gudaha jilibka bidix ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xiriirka kubada cagta Spain.
Ciyaaryahanka ayaa la joogi doona asxaabtiisa kooxda ilaa dhamaadka xerada tababarka ee hadda, kaas oo diiradda lagu saarayo tartanka Euro 2024.”
Pedri ayaa sidaas darteed qarka u saaran inuu seego dhammaan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Barcelona, halka uu shaki weyn ku jiro kulanka furitaanka ee kooxdu ay 2024-25 la ciyaari doonto Valencia 17ka August.
Barcelona ayaa wajihi doonta kooxaha Manchester City, Real Madrid iyo AC Milan kulamo saaxiibtinimo ka hor ololaha cusub, waxayna markaas afarteeda kulan ee furitaanka horyaalka la ciyaari doontaa Valencia, Athletic Bilbao, Rayo Vallecano iyo Real Valladolid.
Pedri waxa uu la kulmay dhibaatooyin dhaawac oo dhan intii uu ku sugnaa Barcelona, laakiin waxa uu wali matalay kooxda Catalan 143 jeer tan iyo markii uu kaga soo biiray Las Palmas 2020.
Barcelona ayaa sidoo kale Gavi ku wayday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray jilibka intii uu u ciyaarayay Spain dhamaadkii sanadkii hore, waxaana warka ku saabsan arinta Pedri ay dhabar jab weyn ku noqon doontaa isku diyaarinta tababaraha cusub ee Hansi Flick ee xilli ciyaareedka 2024-25.
Kooxda reer Catalan ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore, halka ay soo gaareen afar dhamaadka Champions League iyo Copa del Rey.