Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qarka u saaran inay saxeexdo heshiis cusub oo ay la gelayso shirkadda Nike oo ku helayso $1.4 bilyan oo dollar oo ka saari doona dhibaatadii dhaqaale-xumada ee haysatay kooxdan reer Spain.
Barcelona ayaa sannadihii u dambeeyey la dhibaatoonaysay dhibaato dhaqaale, waxaanay awoodi weyday inay xajisato xiddigaheedii waaweynaa qaarkood sida Lionel Messi, Sergio Busquets iyo Jordi Alba, hase yeeshee Joan Laporta ayaa waxa uu hadda ku socdaa inuu dib u dhiso dhaqaalaha dumay ee kooxdiisa.
Hore waxa ay Barcelona ugu qasbanaatay inay iibiso xuquuqda TV-geeda iyo istuudiyaheedii, sidoo kalena waxa ay dhintay mushaharka ciyaartoydeeda, iyadoo sidoo kalena ay ku adkaatay in loo diiwaangeliyo ciyaartoyda ay la saxeexdeen qaarkood.
Shirkadda Nike oo tan iyo sannadkii 1998kii ay Barcelona xayaysiin jirtay, ayaa waxa hadda ay dibu-eegis ku samaynayaan heshiiska, waxaanay kala saxeexanayaan heshiis cusub oo toban sannadood ah oo ay shirkaddu ku siin doono Barcelona lacag dhan $1.4 bilyan oo dollar.
Tobanka sannadood ayaa lacagtan loogu kala qaybin doonaa, hase yeeshee waxa ay Barcelona sidoo kale heli doontaa 100 milyan oo Euro oo kaash ah oo ah xaqal saxeexa oo hadda loo shubayo, waxaanay taasi ka fududayn doontaa culaysyo badan oo dhaqaale oo saarnaa.